Ufurow oo ku guuleysatay kaalinta koowaad ee tartan aqooneedka Shabelle

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa xalay lasoo gabagabeeyey barnaamijka tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle, waxaana sanadkan ka qayb-galay illaa 24 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka.

Finalka tartanka ayaa waxaa ugu dambeyn isugu soo haray degmooyinka kala ah Ufurow iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Baay iyo Shabeelaha Hoose, kuwaas oo xalay kala galay kaalmaha koowaad iyo labaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ufurow oo kusoo baxday kaalinta koowaad ayaa heshay 12 dhibcood, waxayna ku guuleysatay abaal-marin lacageed oo dhan 1500 oo Dollar.

Sidoo kale degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose oo heshay 6 dhibcood ayaa kuu guleysatay abaal-marin dhan 1000 Dollar.

Sanadkan waxaa tartanka taaba-gelisay shirkadda is gaarsiinta SOMTEL oo isla xalay bixisay abaal-marinta, halka su’aal diyaarintuna ay aheyd Jaamacadda Creen Hope.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here