Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulan ku yeelanaya Villa Hargeysa + ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah kulan ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ka kooban illaa seddax qodob, waxayna kala yihiin:-

1– Hadal jeedinta Cabdisalaan Axmed Dhabancad oo ahaa Gudoomiyihii KMG ee Golaha Shacabka.

2 – Hadal jeedinta iyo xil-wareejinta Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad.

3 – Hadal jeedinta Sheekh Aadan Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Kulankaan oo noqonaya kii ugu horeeeyey ee xildhibaanada golaha shacabka baarlamaankaan 11-aad ay isugu yimaadaan, iyagoo leh guddoon rasmi ah, kaas oo 27-kii ilaa 28-kii bishan lagu doortay teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here