Uganda oo guddi baara weerarkii Buulo-Mareer usoo dirtay Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Wafdigan uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneral Kayanja Muhanga, ayaa Dowladda Uganda waxay u soo dirtay Dalka Soomaaliya, maalin kadib markii Al Shabaab ay sheegteen in ay dileen 137 askari oo ka soo jeeday dalka Uganda kadib weerar lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin Degmada Buulo-mareer ee Gobolka Sh.Hoose oo qiyaas ahaan 120km dhanka koonfur galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho.

 

Janaraal Kayanja iyo wafdigiisa ayaa kulamo kula yeellan doona Saraakiisha ugu sareysa Taliska ATMIS, si ay u oggaadaan waxa fududeeyay weerarka lagu beegsaday ciidankooda maadaama la aaminsan yahay in weerarkii dhacay jimacaha lagu dilay ugu yaraan 50 askari oo u dhashay dalka Uganda inkastoo laga cabsi qabo in khasaaraha dhimasho uu intaasi ka badan yahay.

Weerarkii ka dhacay Jimcaha ayaa noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee Ciidanka Uganda soo gaara tan iyo markii ay yimaadeen dalka Soomaaliya muddo laga joogo 15 sanno, iyadoona ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ay sheegeen taliyeyaal ciidan ay ku jiraan askarii lagu laayay Degmada Buulo-Mareer ee Gobolka Sh.Hoose.

Xerada la weeraray ayaa sida la sheegay waxaa gacanta ku hayay ciidan dalka yimid bishii la soo dhaafay si ay u bilaabaan socdaalkooda shaqo ee howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee ATMIS.

Maalin ka hor, bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Uganda ayaa lagu sheegay in baaritaan dhab ah ay ku sameyn doonaan weerarkii lagu qaaday ciidankooda, iyadoona xusid mudan in Afhayeenka Ciidanka dalka Uganda uu shaaciyay in Ciidankooda ay soo weerareen ajaaniib hueysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu xusay in Ciidankooda ay Soomaaliya u joogaan sidii ay Dowladda Soomaaliya uga gacan siin la haayeen dagaalka lagu jiro Al Shabaab iyo soo celin xasiloonida dalka, iyadoona shaacisay in weerarkii jimacaha uusan ka hor-istaagi doonin ciidankooda howlaha ay u joogaan Soomaaliya.

Weerarkii ka dhacay Degmada Buulo-Mareer waxaa si kulul u cambaareeyay Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo xulufadiisa, iyadoona xusid mudan in qoraal kala duwan oo uga soo baxay dowladdaha reer galbeedka lagu muujiyay in xanuunka iyo mururaga ay la qeybsanayaan Shacabka iyo hoggaanka dalka Uganda.

Si-kastaba, Al Shabaab oo war ka soo saaray weerarkaasi ayaa sheegay in ay dileen ugu yaraan 137 askari, iyagoona soo bandhigay sawiro laga arki karay meydadka askar ku labisnaa dareeska Ciidanka Uganda oo daadsan xerada, gaadiid dab la qabadsiiyay, iyo askar kale oo ay nolosha ku wateen, kuwaasi oo la ogeyn halka ay la aadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here