Mareykanka oo shaaciyay inuu duqeyn la beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa shaaciyay in weerar dhanka cirka ahaa ay ku beegsadeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo qeyb ka ahaa raggii fuliyay weerar maalin ka hor lagu qaaday saldhig ay Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ku leeyihiin Degmada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika oo marka magaciisa laga soo gaabiyo loo yaqaan “Africom” ayaa sheegay in duqeyntan lagu burburiyay hub iyo agab kale oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ka soo qabsasdeen xerada Ciidanka ATMIS.

Duqeyntan ayuu Taliska Africom sheegay in ay ka fuliyeen Degmada Buulo- Mareer oo qiyaas ahaan 120km dhanka koonfureed uga beegan Magaalada Muqdisho.

Waxaa Taliska Africom uu xusay in aysan jirin qof shacab ah oo wax ku noqday duqeyntaasi..

Taliska Africom weli ma sheegin haddii duqeynta lagu dilay xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Todobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii Taliska Africom uu shaaciyay in hoggaamiye ka tirsan Shabaab lagu dhaawacay duqeyn ay ka fuliyeen Degmada Jilib ee Jubadda Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here