MANDHEERA – Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, halka 10 kale ay ku dhaawacmeen weerar ay fulisay Al-Shabaab, kaasoo lala eegtay gaari rakaab ah duleedka magaaladda Mandheera ee gobolka waqooyi-bari Kenya, oo ah meel u dhow xadka Soomaaliya, sida ay booliisku xaqiijiyeen.
Weerarka ayaa ka dhacay duhurnimadii shalay deegaanka Beer-Awayon oo qiyaastii 8 kiiloomitir u jira magaalada Mandheera, kadib markii dabley hubeysan ay jidka u galeen gaariga oo siday 14 qof oo rakaab ah, islamarkaana rasaas ku fureen.
Warbixinta booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in baaritaanno la bilaabay, iyadoo ciidamada ammaanka ay baadi-goob ugu jiraan kooxdii weerarka geysatay oo la rumeysan yahay inay u baxsadeen dhinaca xadka Soomaaliya.
Taliyaha Booliiska, ayaa sheegay in weerarka lala beegsaday gaari ka yimid magaalada Mandheera kuna sii jeeday deegaanka Arabiya.
Wuxuu sheegay in dadka la weeraray ay ahaayeen xubno isku qoys ah oo u safrayay munaasabad diimeed.
Inkasta oo aysan jirin cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, haddana saraakiisha ammaanka ayaa tuhunsan Al-Shabaab, oo hore weerarro isdaba joog ah uga fulisay xadka Kenya iyo Soomaaliya.




