UK oo saddex arrimood u ballan-qaaday Xasan Sheekh Maxamuud

0

LONDON (SMN) – Wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika Vicky Ford oo qoraal soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa u hambalyeysay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Vicky Ford ayaa sheegtay in dowladda UK ay kala shaqeyn doonto madaxweynaha cusub saddex arrimood oo ay kamid yihiin dadaallada ku aadan xoojinta amniga, la dagaallanka Shabaab iyo taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha ka taagan Soomaaliya.

UK ayaa ka mid ah dalalka taageera dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxayna si dhow ula socotay doorashada Soomaaliya oo qaadatay muddo ka badan hal sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here