Muqdisho – Wafdi ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Soomaaliya iyo hawl-wadeennada Safaaradda, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dib-u-howlgelinta iyo horumarinta xarumaha muhiimka ah ee dhaqanka Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda Soomaaliya ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay casriyeynta Matxafka Qaranka, Tiyaatarka Qaranka, Kaydka Qaranka iyo Maktabadda Qaranka, kuwaas oo door muhiim ah ku leh ilaalinta taariikhda, hiddaha iyo aqoonsiga ummadda Soomaaliyeed.
Danjiraha Soomaaliya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta taariikhda, hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Waxa uu xusay in horumarinta xarumaha dhaqanku ay lagama maarmaan u tahay dhowrista taariikhda dalka, kobcinta fanka iyo suugaanta, iyo in dhaqanka Soomaaliyeed loo gudbiyo jiilalka soo socda.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay dadaallada UNESCO ay ka waddo Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada waxbarashada ee kor loogu qaadayo nabadda iyo wada noolaanshaha. Labada dhinac ayaa isla gartay in la sahmiyo fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga dhinacyada ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka, iyo dib-u-howlgelinta xarumaha dhaqanka qaranka.
Danjiraha ayaa UNESCO uga mahadceliyay doorka ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, isaga oo rajo ka muujiyay in iskaashiga labada dhinac uu horseedo dadaallo wax ku ool ah oo lagu ilaalinayo laguna horumarinayo dhaxalka taariikheed iyo dhaqameed ee dalka.




