Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta gudashada waajibaadka guddiga, gaar ahaan dhinacyada sharci-dejinta, korjoogteynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda ee qaabilsan arrimaha gudaha, amniga iyo socdaalka.
Sidoo kale, waxaa diiradda la saaray xoojinta hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo dowlad-wanaagga, si loo horumariyo shaqada guddiga iyo gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku boorriyey guddiga inay dardargeliyaan dhammaystirka hindise-sharciyeedyada ay gacanta ku hayaan, si loogu soo gudbiyo Golaha Shacabka. Waxa uu sidoo kale kula dardaarmay guddiga inay habraacyada shaqadooda waafajiyaan nidaamka casriyeynta iyo horumarinta hawlaha Golaha Shacabka ee dhowaan la hirgeliyey.




