Wafdi ka socda DF Soomaaliya oo gaaray magaalada Washington + Ujeedka

0

WASHINGTON (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC, halkaas oo lagu qabanayo shirka xiliga gu,ga (Lix biloodlaha) ee IMF iyo Banging Adduunka oo socon doona muddo hal asbuuc ah.

 

Ka hor furitaanka shirka loo dhan yahay, wafdiga Wasiirka Maaliyaddu waxa ay maanta kulan muhiim ah la yeesheen Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah Agaasimaha Sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Kukankan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka, caawimaadda IMF iyo helidda maalgalin buuxda oo looga gudbayo xiliga deyn cafinta kadib.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa la filayaa muddada toddobaadka ah ee soo socota in uu Washington kulamo muhiim ah kula qaato madaxda dalal iyo hey’ado maaliyadeed si loo horumariyo maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here