Sawirro: Hay’adda SoDMA oo gargaar u dirtay Ceeldheer iyo Masagawaa

0

MUQDISHO (SMN) – Iyadoo Roobka Gu’ga uu ka curtay guud ahaan dalka, cabsina laga qabo fatahaado iyo daadad ka dhasha ayaa hay’adda SoDMA oo ka duulaysa ka hortagga qasaaro badan oo ka dhasha xaaladaan ,sida xaaladii El-Niño oo kale waxa ay xalay Gaadiid sida shixnado gargaar ah u dirtay Magaaloyinkii Ceeldheer iyo Masagawaa ee Gobolka Galgaduud.

 

Gaadiidkaan ayaa gaaraya 9 Gaadiid ah oo ah nooca xamuulka qaada, waxana ay wadaan mucaawino ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, waxana tan ahaan ay gaaraysaa 116,5 tan oo gargaar ah.

Galgaduud ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo laga xoreeyay magaalooyin badan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here