Wafdi ka socda dowladda Kenya oo soo gaaray magaalada Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi sare oo ka socda Kenya, waxaana garoonka kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Wafdigan ayaa waxaa horkaceysa wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo, iyadoo uu garoonka kusoo dhoweeyey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ay wehliyaan xubno kale oo ka tirsan wasaaradaasi.

Raychelle Omamo ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelan doonto madaxda sare ee dalka, iyagoo ka wada-hadli doono arrimo ku aadan xiriirka diblumaasiyasadeed ee labada dal.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in wada-hadalladan lagu soo qaadi doono isu socodka shacabka labada dal iyo xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Kenya.

Si kastaba socdaalka ay maanta Muqdisho ku timid wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa waxa uu ku soo aadayaa, xilli xasaasi ahh oo ay Soomaaliya ku jirto marxalad doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here