Wafdi ka socda IGAD oo soo gaaray magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta oo Khamiis ah soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayo Xoghayaha fulinta ee AU, Dr ; Workna Gebeho.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qaabbilay, Maxamuud Cabdi Xasan Bekos oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo wakiillada beesha caalamka u jooga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here