Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Feer feer

0

Wafdi wasiiro ka tirsan Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa gaaray deegaanka feer feer ee dhaca xadka Soomaaliya iyo itoobiya.

Wafdiga waxaa qeyb-ka ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyle Cismaan Wasiirka dekedaha iyo Gadiidka Hirshabeelle, wasiir ku xigeenka wasaraada warbarashada, taliyaha ciidanka booliska Gobolka Hiiraan iyo xubno kale.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku soo dhaweeyay masuuliyiinta marka ay gaareen deegaanka Feer feer waxaana sidoo kale ay kulamo la qaadan doonaan saacada soo socdo maamulka deegaanka iyo qeybaha.

Masuuliyiintaan ayaa daah furi doono mashaariic laga hirgaliyay Deegaankaasi gaar ahaan suuq iyo mashaariic kale oo horumarineed.

Sidoo kale Masuuliyiinta ayaa ka hadli doona adkeynta amniga  iyo sidii loo hormarin lahaa deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here