Warsheekh iyo Waaberi oo ku baratamay tartan aqooneedka Shabelle

0

Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku loolamay degmooyinka Warsheekh iyo Waaberi oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir, kuwaas oo soo bandhigay tartan xiiso badan.

Labada degmo oo ku wada jiray group-ka B ee wareega labaad ee tartanka ayaa soo bandhigay tartan qurux badan, waxaana ay guushu raacday tartamayaasha degmada Waaberi ee gobolka Banaadir

Warsheekh oo laga adkaaday ayaa heshay 2 dhibcood, halka Waaberi ay keensatay 6 buundo, sida uu ku dhowaaqay natiijada Cali Cumar Cabdalla oo ka mid ah guddiga tartan aqooneedka Shabelle.

Sidoo kale waxaa caawa tartanka isaga hor imaan doono degmooyinka Kaaraan iyo Hodan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo haatan diyaar-garow xoogan ugu jiro ka qeyb-galka tartan aqooneedka Shabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here