Walaac xoogan oo laga muujiyey doorashada ka dhacaysa magaalada Bosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Siyaasiin ay ka mid yihiin xildhibaanno ku jiray baarlamaanka Soomaaliya iyo golaha wasiirrada oo deegaan doorashadoodu ay tahay Boosaaso ayaa walaac hor leh ka muujiyay doorashada kuraasta taalla magaaladaasi.

Siyaasiintan oo u badan wasiiro heer federaal ah oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso ayaa sheegay in mad-madow badan uu ku jiro qaabka la doonayo in lagu qabto doorashadaasi isla markaana la baalmaray habkii saxda ahaa ee ay ahayd in loo maro.

Sidoo kale waxa ay dalbadeen in doorashada ay noqoto mid madax banaan oo daah-furan, si uu tartanka u noqdo mid furan oo cadaalad ah.

Puntland ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay guda-gasho doorashada kuraasta taalla Boosaaso oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here