Wararkii u dambeeyey markab ganacsi oo lagu weeraray xeebaha Soomaaliya

0
Burcad-badeeda Soomaalida ayaa isku dayday inay afduubto markab ganacsi oo marayay meel qiyaastii 185-KM waqooyi bari uga beegan Muqdisho.
UK-MTO oo ah ururka ganacsiga Badaha oo dalka Ingiriiska fadhigiisu yahay ayaa sheegay in markabka uu ka badbaadey afduubka burcad-badeeda.
Lama sheegin dalka laga leeyahay Markabka, balse UK-MTO  ayaa sheegtay in shaqaalaha aysan waxba soo gaarin oo ay nabad qabaan.
UK-MTO ayaa ka gaabsatay inay bixiso macluumaad fahfaahin oo ku aadan iskudayga afduubka Markabka ganacsi.
Waa dhacdadii ugu horeysa oo sanadkan lasoo wariyo, oo ku saabsan fal burcad-badeed oo ka dhaca xeebaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here