Wararkii ugu dambeeyay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday Mudug

0

GALDOGOB (SMN) – Odayayaasha Dhaqanka Gobolka Mudug ayaa ku baxay colaad labo beelood oo wada daga gobolkaasi dhawaan ku dhexmartay deegaano hoostaga degmada Goldogob.

 

Dagaalkaan ayaa waxaa ka dhashay khasaare nafeed oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray maleeshiyaadka labada beelood.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka ee gobolka Mudug, Nabadoon Cali Kamiin oo la hadlay warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in ay ku bexeen sida loo joojin lahaa dagaalka ka dhacay deegaano hoostaga Goldogob.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ciidamo la kala dhex dhigay labada beelood ee dagaalamay, isaga oo sheegay in ay ku dadaali doonaan in dirir dambe aysan dhicin isla-markaana xal laga gaaro tii dhawaan dhacday.

Laba beelood oo wada daga gobolka Mudug ayaa dhawaan waxa ay ku dagaalameen deegaano hoostaga degmada Galdogob iyadoo ku dhawaad 15 ruux ay ku dhinteen dagaal beeleedkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here