Wararkii ugu dambeeyey doorashada ku xigeennada Golaha Shacabka

0

MUQDISHO (SMN) – Doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ayaa lagu wadaa in maanta la dhammeystiro, iyada oo loo ballansan yahay in la qabto doorashada guddoomiye ku xigeennada Golaha Shacabka oo xalay dib loo dhigay, kaddib markii wakhti dambe ay noqotay, sida uu shaaciyay shir guddoonku.

Illaa 10 xildhibaan ayaa u tartamaya guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, halka guddoomiye ku xigeenka 2-aadna a u sharraxan yihiin toddoba xildhibaan, sida ku cad jadawalkii guddiga doorashadu uu shaaciyay 22-kii bishan.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in kal-fadhigan uu shir guddoomin doono Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo xalay loo doortay guddoomiyaha golaha Shacabka.

“Ku-meel-gaarnimo dambe waa laga baxay” ayuu yiri Gudoomiyihii Ku meel-gaarka ah ee golaha shacabka Ambasador Cabdisalaan Liibaan Dhabancad markii ay dhammaantay codbixintu.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya isaga oo helay codad gaaryay 163, wuxuuna ka adkaaday Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur, oo helay codad gaadhaya 89 cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here