Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda magaalada Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Dagaaladii ka dhacay Laasacaanood ayaa reebay raadad aan wanaagsaneyn iyada oo tan iyo markii lagu kala adkaaday dagaalka meydadka laga soo aruurinayaa goobihii lagu dagaalamay.

 

Shaqalaha hay’adda Laan Qayrta Cas ayaa xalay, illaa shalay galab Laascanood waxay gaarsiisay maydadka askar ka tirsan Somaliland  oo lagu diley dagalkii dhacay bishii hore.

Ciidamada Somaliland ayaa laga saaray dhufeysyadii ay kaga jireen duleedyada Laasacaanood kadib dagaal dhiig badan uu ku daatay ay la galeen Ciidamada SSC, Wixii intaa ka dambeeyay Hay’adda ICRC ayaa bilowday aruurinta meydadka.

Inkastoo dagaalka Laasacaanood lagu kala adkaaday, haddana waxaa wali muuqanaya raadadkii uu reebay, sida burburka dhismooyinka iyada oo ay jiraan hub aan qarxin oo yaalla meelihii lagu dagaalamay, taasi oo halis ku ah deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here