Wasiirka shaqada XFS oo la kulmay Safiirka Qatar ee Soomaaliya + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFD, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Safiir Dr. Abdolla salem alnuaimi.

 

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha la xiriira shaqo abuurka iyo xirfad siinta bulshada, kor u qaadista wada shaqeynta, iskaashiga iyo mashariicda ay isla wadaan Wasaaradda iyo Dawladda Qatar.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Safiirka uga xog-waramay dedaallada ay Wasaaraddu ka waddo kor u qaadista shaqo abuurka iyo horumarinta barashada xirfadaha  bulshada gaar ahaan dhallinyarada.

Safiirka ayaa isaguna dhankiisa xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah oo u baahan in la sii xoojiyo.

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa uga mahad naqay Safiirka soo dhaweynta quruxda badan sido kalena ballan qaaday xoojinta xiriirka.a

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here