Wararkii ugu dambeeyay khilaafka ka dhex-qarxay madaxda sare ee Galmuudg

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Dagaal siyaasadeed oo u dhaxeeyo madaxweynaha Galnmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Cali Ciid ayaa qarxay kadib markii uu Ku xigeenku soo saaray digreeto uu xilka uga qaaday Wasiirka Arrimaha gudaha Galmudug  Cabdi Waayeel, hasa ahaatee uu madaxweynuhu buriyey tallaabadaasi, isaga oo ku sheegay mid baal-marsan awoodaha uu dastuurku siinayo madaxweyne ku xigeenka.

 

Cali Ciid ayaa markaas kadib sheegay isaga oo qoraal baraha bulshada adeegsanaya in madaxweyne Qoor Qoor uu yahay mid ku kacaya qiyaano qaran isla-markaana dhabarka ka jebinaya howlgalada xoreynta ah ee uu wado  madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo saaka la hadlayey Idaacada BBC-da ayaa wax laga weydiiyay sababta xiligaan oo uu dalku dagaal ku jiro soo ifbixisay khilaafkooda, wuxuuna sheegay in muddo ahba in uu huursanaa ismaan dhaafka isaga iyo madaxweynihiisa isla-markaana uu Qoor Qoor xagal daacinayo howlgallada ka socda gobollada dhexe.

Iyadoo ay gabagabo tahay muddada xil haynta labada masuul ayaa waxaaba Galmudug caado ka ah in xiliyadaan oo kale ay isku dhacaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, taas oo sababta mararka qaar in baarlamaanka ay isku adeegsadaan oo mid uun kalsoonida lagala noqdo.

Galmudug ayaase sanadihii ugu danbeeyay sameynaysay Hormar dhinacayada dhaqaalaha dhismaha iyo amniga ah sameynaysay maadama uu yaraa buuqeeda siyaasiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here