Wararkii ugu dambeeyay qaraxii ka dhacay Ceelasha Biyaha + Khasaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Ku dhawaad 10 Qof ayaa ku geeriyootay tira intaasi ka badana way ku dhaawacantay qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo saaka ka dhacay goob ay daganaayeen ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Qaraxan ayaa sidoo kale bu bur xoog leh u gaystay dhismooyin ku dhaw goobta qaraxa uu ka dhacay oo ay daganaayen dad shacab ah.

Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxa ayaa muujinaya baaxada burburka uu gaystay weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday ee ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha.

Weli kama aysan hadlin hey’addaha ammaanku qaraxaasi, balse Al-Shabaab oo bayaan soo saartay ayaa sheegatay mas’uuliyadiisa weerarka iyo khasaarihii ka dhashay.

Al-Shabaab waxaa ay qoraalkooda ku sheegeen in ay ku dileen weerarka ku dhawaad 50 Askari, sidoo kalena ay dhaawacday tiro kale oo xerada ku sugnaa.

Inta badan Al-shabaab ayaa weeraro noocaan oo kale ah oo ay u adeegsadaan Qaraxyo ku qaada Xerooyinka Dowladda ee ku yaallo Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here