Wararkii ugu dambeeyay qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Qaraxa koowaad ayaa la dhigay afaafka hore ee saldhigga degmada Waabari, kaas oo lagu dhex qariyay bac, waxaana ka hortegay ciidanka ammaanka ee dowladda.

Sidoo kale waxaa qaraxyo iyo madaafiic laga maqlay meelo ay kamid tahay Boondheere, halkaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay hooyo iyo qaar kamid ah carruurteeda.

War kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in inta badan dhawaqa qaraxyadala maqlay ay ahaayeen kuwa dheemish ah, isla markaana aysan gaysan wax khasaare ah.

“Waxaan Shacabka Caasimadda ku nool ogaysiinaynaa in dhawaqa ay maqleen ay tahay uun Baco ladhigay dhawr goobood oo kala duwan Sidaas awgeed, wax dhib ah majiraan magaaladuna waa nabad” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay taliska Booliska.

Xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay daganeyn, waxaana howlgallo joogto ah ka waday ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here