Wararkii ugu dambeeyay u diyaar garowga xuska kowda Luulyo + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Kulan ku saabsan u diyaar garowga iyo isku dabaridka dabaaldaga munaasabada Kowda Luuliyo ayaa waxa uu ka qabsoomay garoonka Stadium Muqdisho oo ah goobta rasmiga ah ee loo asteeyay in uu ka dhaco xuska maalinta qiimaha badan ee munaasabada 1-da Luuliyo.

 

Kulankani oo ahaa mid waqti badan qaatay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddiga heer qaran iyo heer Gobol ee isku dabaridka munaasabada maalmaha Xorriyada, Taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo bahda Ciyaaraha Dalka.

Guddoomiyaha guddiga u diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda mudane Ahmed Cali Fiqi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay madaxdii iyo saraakiishii kulankan ku sugneyd in si daahfuran loo maareeyo munaasabada dabaaldaga maalinta weyn ee 1-da Luuliyo iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo ka qeyb galka munaasabadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here