Wararkii ugu dambeeyay xaaladda cakiran ee magaalada Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Iyada oo wax xal ah laga gaarin khilaafka u dhaxeeya xukuumadda Puntland iyo Ciidamada PSF-ta,ayaa waxaa dhaqdhaqyo ciidan oo horleh laga dareemayaa magaalada Bosaaso iyadoo dadka qaar ay ka qaxeen xaafadaha qaar ee magaaladaasi.

Muddo hal todobaad ah ayaa ka so wareegtay markii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu xilka ka qaaday agaasimaha hay’adda PSF isla markaana u magacaabay agaasime cusub.

Madaxweyne Deni ayaa xalay hadal kulul ka jeediyay degmada Burtinle, kaas oo u muuqanayay hadal uu si dadban ugu dirayay ciidamada PSF-TA.

Maamulka Puntland wuxuu dhawaan ciidamada la dagaalanka argagixisada ee PSF-ta ku eedeeyay in ay barakicin ka wadaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here