Wararkii ugu dambeeyay xaaladda guud ee deegaanka Masagawaa

0

MASAGAWAA (SMN) – Guddoomiyaha deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud, Ismaaciil Shiine oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay xaaladda deegaankaas oo ay shalay Al-Shabaab ku qaadeen weerar xoogan, balse ay ka hortageen ciidamada Xoogga dalka.

 

Shiine ayaa sheegay in haatan xaaladda ay dagan tahay, isla-markaana Masagawaa ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in wei ciidamada huwanta ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan gudaha deegaanka iyo agagaarkiisa.

Dhanka kale, waxa uu xusay in weerarkii shalay lagu jebiyay Al-Shabaab, isla-markaana ay ka dileen ugu yaraan illaa 80 xubnood oo kamid ahaa raggaa duulaanka soo qaaday.

Si kastaba, Masagawaa ayaa kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee lagala wareegay Al-Shabaab oo haatan wajaheyso howlgallo culus oo ay horkaceyso dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here