Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Af-urur

0

Boosaaso (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka dagaal u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ku yaalla deegaanka Af-urur ee gobolka Bari.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Shabelle u sheegay in weerarka loo adeegsaday madaafiic, kadibna uu dagaal foolka fool ah uu dhex-maray labada dhinac.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha ammaanka ee Puntland.

Xaaladda ayaa degan, waxaana haatan goobihii lagu dagaalamay ku sugan oo howl-gallo ka wadan ciidamada daraawiishta ee dowlad goboleedka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here