Nairobi – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Azerbaijan ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay hoggaamintii ay si wadajir ah u hayeen Kooxda Khubarada Dowladaha ee ka shaqeysa horumarinta guryeynta ku filan dhammaan (OEWG-H), kaddib markii la soo xiray kalfadhigii saddexaad ee kooxda oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Nairobi.
Danjiraha Soomaaliya ee Kenya ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya UN-Habitat, Mudane Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle, oo ku hadlayay magaca labada dal ee guddoonka hayay, ayaa khudbaddii xiritaanka shirka uga mahadceliyay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, khubarada iyo dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay dadaallada lagu horumarinayo qorshaha guryeynta ku filan dhammaan.
Danjiraha ayaa xusay in muddadii ay hoggaaminayeen kooxda laga shaqeeyay siyaasadaha isku dhafan ee guryeynta, qeexidda dadka hoyla’aanta ah, iyo adkeysiga iyo waarta guryeynta. Sidoo kale, waxaa la daahfuray Madasha Aqoonta Guryeynta (Housing Knowledge Platform), waxaana laga wada hadlay qorshaha dhaqaale-ururinta ee lagu sii ambaqaadayo howlaha kooxda illaa sannadka 2029.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dadaallada kooxdu ay sii ballaaranayaan, iyadoo 106 dal iyo in ka badan 267 xiriiriye qaran (National Focal Points) ay hadda qayb ka yihiin hannaankan caalamiga ah, taasoo muujinaysa muhiimadda ay guryeyntu u leedahay dhammaan dalalka iyo baahida loo qabo iskaashi caalami ah.
Danjire jabril ayaa uga mahadceliyay Azerbaijan wada-shaqeyntii iyo iskaashigii miro-dhalka ahaa ee ay wada sameeyeen muddadii ay guddoonka hayeen, isagoo sidoo kale bogaadiyay dalalka Kenya iyo Faransiiska oo aasaaska u dhigay kooxda, isla markaana soo dhoweeyay dalalka Canada iyo Costa Rica oo la wareegaya hoggaanka xiga.
Ugu dambeyn, Danjiruhu wuxuu u mahadceliyay Agaasimaha Fulinta ee UN-Habitat, Marwo Anacláudia Rossbach, Xoghaynta UN-Habitat iyo dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee taageeray howlaha kooxda, isagoo adkeeyay in guryeynta ku filan ay si dhow ula xiriirto karaamada aadanaha, amniga, fursadaha nololeed iyo horumarka bulshada.
Soomaaliya ayaa muddadii ay wada-guddoomiyaha ka ahayd kooxda door muuqda ka qaadatay hoggaaminta dadaallada caalamiga ah ee lagu horumarinayo helitaanka guryo ku filan, waara, ammaan ah oo loo siman yahay. 





