Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka labada Gole ee BF Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah kulan wadajir ah ku yeelanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa wax ka badelka habraaca ku meel gaarka ah ee doorashooyinka guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha.

Xildhibaanada labada Gole ayaa dood adag ka yeelan doona arrintan, kadib soo jeedin ka timid guddiyada doorashada ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Baarlamaanka federaalka ah ayaa waxaa horyaallo shaqooyin culus, waxaana ugu horreeya doorashada guddoonka labada Aqal iyo sidoo kale mida madaxweynaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here