Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) -Xiisad ayaa ka taagan magaala madaxda gobolka Hiiraan ee Beledweyne, kadib markii ciidamo aad u hubeysan ay qabsadeen qaar kamid ah xaafaddaha iyo wadooyinka muhimka ah ee Beledweyne.

Sidoo kale dadweyne fara badan oo taageersan ciidamada magaalada galay ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada.

Sarkaal la yiraahdo Nuur Dheere oo hogaaminayay miliishiyada Beledweyne soo gashay, ayaa meel fagaare ah ka sheegay, in sababta ay sidaas u sameeyeen ay tahay, iyadoo la doonayay inuu magaaladaasi tago madaxweynaha Hirshabeell cali Guudlaawe Xuseen, taasina ay diidan yihiin haddii ay yihiin kooxda kacdoonka wada.

“Bulshada reer Hiiraan aad ayaan u salaamayaa, shuucuurta ay muujiyeen, ka hortaga ay ka hortageen ninkii cadowga ahaa ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay u hanqal taagayay Beledweyne, Beledweyne wuxuu leeyahay rag iyo Alle, shacbiyad diidan ayaa Beledweyne joogta, horaan u sheegnay dadka meeshan jooga, dad dadkaasi keeni kara maaha, wadanka annagaa leh, annagaana u dhimanayno, Hirshabeelle wax la yiraahdo oo ka shaqaynaayana ma jiraan.” Ayuu yiri taliye Nuur Dheere.

Illaa hadda wax iska hor’imaadyo ah oo la soo weriyay ma jiraan, waxana la sheegay in ciidamada dawladda iyo kuwa Hirshabeelle ay ku kooban yihiin xerada lama galaay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here