Wasiirka maaliyadda oo kulan la yeeshay xubno ka socday Faransiiska

0

MUQDISHO (SMN) -Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan ku saabsan arrimaha dib u habeynta maaliyadda Soomaaliya iyo fursadaha Maalgashi ee ka jira dalka la yeeshay xubno ka socday wasaaradda arrimaha Dibadda Faransiiska, maadaama Dowladda Farasiiska ay qeyb ka tahay dalalka la isku yiraahdo Paris Club.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka Deyn Cafinta oo hadda meel gabagaba ah maraya. Faransiisku waa taageere muhiim ah oo si wanaagsan dowladda Federaalka Soomaaliya uga la shaqeeyay dib-u-habaynta, horumarinta dhaqaalaha iyo Geedi socodka Barnaamijka Deyn Cafinta.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here