Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay goordhow ka bilaabatay rasaas goos goos ah oo ay is weydaarsanayaan ciidamada ammaanka maamulkaas iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta.

Wararka ayaa sheegaya in rasaasta oo ah mid teel-teel ah haatan laga maqlayo aagga ay isku horfadhiyeen ciidamada labadad dhinac.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyadan cusub ay saameyn ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa Boosaaso isku horfadhiyey ciidamada Puntland iyo kuwa PSF-ta oo kasoo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyey taliyahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here