Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha dagaalkii ka dhacay Guriceel

0

GURICEEL (SMN) – Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen 40 ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal magaalda Guriceel saakay ka qarxay oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo ciidamada Ururka Ahlu Sunna Waljameeca.

Saraakiil la hadashay VOA ayaa sheegay in dhimashadu ay u badan tahay askarta dhinacyaddii dagaalamay.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa dhankiisa sheegay in dhinaca ciidamada dowladda ay dagaalka kaga dhinteen saddex askari, dhowr iyo toba kalena ay uga dhaawacmeen.

Waxa uu dagaalka ka sheegtay guulo iyo in ay magaalada gacanta ku hayaan oo meel duleedka ah sida uu hadalka u dhigay ay ciidamada Ahlu Sunna rasaas weli ka soo ridayaan.

Dadka dagaalka ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug, iyo askar kale oo ka tirsan ciidamada, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa sheegay in aaney jirin cid weli magaalada si buuxda gacanta ugu heysa, laakiin ciidamada dowladdu ay dagaalkii maanta kula wareegeen saldhigga degmada, Xarunta Gobolka iyo goobo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here