Wasiir Jamaal oo la kulmay wasiirka qorsheynta ee HirShabelle

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ay wehliyaan Agaasimaha Xalka Waara Marwo Zahra Cabdi Maxamed, Madaxa xariirka deeq-bixayaasha Soomaaliya Mudane Asad Yusuf ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle iyo Madaxa Hay’adda NIS- Somalia, kaasoo looga hadlay mashruuca yaraynta fatahaadaha degaanada Hirshabeele iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Wasiir Jamaal ayaa ku wareejiyay  Wasiirka Qorsheynta Hirshabeele mashruuca yaraynta fatahaadaha kaas oo la doonayo in xal waara looga gaaro fatahaadaha kusoo noq-noqday magaalada Beledweyne iyo degaanada maamulkaasi.

Mushruuca ayaa ku kacaya 1.1 Milyan Dollar oo ay Dawlada Norway ugu deeqday Soomaaliya, iyada oo ay fulinayso mashruucaan hay’adda NIS Foundation isla markaana loo daadejiyay  Wasaaradda qorsheynta ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa dedaallo ugu jirto sidii Xal Waara looga gaari lahaa fatahaadaha kusoo  noq-noqday degaanada Hirshabeelle.

=Dhammaad =

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here