Wararkii ugu dambeeyey xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed

0

BAYDHABO (SMN) – Xildhibaan Cabdifitaax Cali Yuusuf oo ka mid ah baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi.

Cabdifitaax oo wareysi siiyey Shabelle ayaa marka hore beeniyey inuu jiro mooshin ay wadaan xildhibaanada K/Galbeed, kaas oo xilka looga tuurayo Madaxweyne Lafta Gareen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay iyagu kasoo horjeesan doonaan cid kasta oo isku deyda inay burburiso Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay siyaasiyiinta inay ka shaqeeyaan horumarka iyo deganaashaha maamulka Koonfur Galbeed.

Hadalkan ayaa ku soo aaday,a iyada oo guux siyaasadeed uu ka socdo Muqdisho, kaas oo ku aadan qorshe la sheegay in xilka looga tuurayo madaxweynaha K/Galbeed, waxaana arrintaasi bannaanka soo dhigay Mahad Cabdiraxmaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here