Wariye ka tirsan Shabelle oo ku dhaawacmay weerarkii Laas-gacmey

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wariye Cabdi Ismaaciil oo Shabelle TV uga soo waramayey Gobolka Galgaduud ayaa kamid noqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii saaka ka dhacay Deegaanka Laas-gacmey.

 

Maamulka iyo Shaqaalaha Shabelle waxaa ay Suxufigooda u rajeynayaan in Alle uga booga dhayo dhaawaca soo gaaray isagoo ku jira waajibaadkiisa Shaqo.

Sidoo kale waxaan Alle ubaryeynaa in uu naxariistiisii jano ka waraabiyo intii kale ee ku geeriyootay dhacdadaas, inta dhaawaca ahna alle ka bogsiiyo.

Allaa Awoodleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here