Wariye Nimco Muhudiin Mohamed oo ka badbaaday isku day dil oo Muqdisho loogu geystay

0
Wariye Nimco Muhudiin Mohamed

Wariye Nimco Muhudiin Mohamed ayaa goordhow ka badbaaday isku day dil oo la sheegay inay ka dambeeyeen rag hubeysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo weerar ku qaaday xilli ay ku sugneyd hoygeeda magaalada Muqdisho.

 

Laba nin oo watay mooto nooca Fekon-ka ah, wejiyadoodana qarsaday, ayaa rasaas ku furay wariyaha. Nimco ayaa si degdeg ah ugu carartay gudaha gurigeeda, taas oo u suuragelisay inay ka badbaaddo rasaastii lagu beegsaday.

Ciidamada Booliska ee degmada Waaberi ayaa isla markiiba gaaray goobta uu weerarku ka dhacay, iyagoo bilaabay baaritaanno hordhac ah. Sida ay wariye Nimco Cardoofe u xaqiijisay Idaacadda iyo Telefishinka Shabelle, booliska ayaa sheegay in ragga weerarka geystay looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Wariye Nimco ayaa sidoo kale sheegtay inay muddooyinkii u dambeeyay la kulmaysay hanjabaado joogto ah.

Ma ahan markii ugu horreysay oo suxufi ka howlgala magaalada Muqdisho uu wajaho weerar ama hanjabaad. Muddadii u dambeysay ayaa waxaa soo badanayay cabsi laga qabo weerarro iyo hanjabaado loo geysto wariyeyaasha ka howlgala caasimadda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here