Nairobi, Kenya – Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya, isla markaana loo magacaabay Soomaaliya, Marwo Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku tagtay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Nairobi.
Danjiradda waxaa si diirran u soo dhaweeyay Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Jabriil Ibraahim Cabdulle, waxaana labada dhinac ay yeesheen kulan ay kaga wada hadleen xiriirka iyo danaha labada dal. Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Austria.
Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa uga mahadceliyay Danjire Dr. Simone Knapp iyo dowladda Austria taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay joogteynta taageerada iyo iskaashiga labada dhinac. Austria ayaa martigelisa Soomaali badan oo ku nool dalkaas, iyadoo xiriirka labada dal uu sidoo kale ku saleysan yahay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga horumarineed iyo xiriirka diblomaasiyadeed.
Danjire Jabriil ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wada-hadallada iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Austria, si loo sii xoojiyo danaha labada dal. Booqashada Danjiraha Austria ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay xoogga saarayso xoojinta xiriirrada ay la leedahay dalalka Yurub iyo hay’adaha caalamiga ah.
Midowga Yurub ayaa horey u muujiyay taageerada uu u hayo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay si joogto ah uga hadasho arrimaha la xiriira midnimada dalka iyo xaaladda gobollada waqooyi.




