Muqdisho, Soomaaliya – Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya horgeysay heshiis ku saabsan iskaashiga iyo horumarinta macdanta.
Wasaaradda waxaa kulanka Golaha Shacabka ku matalayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, Mudane Cabdiwahab Aadan Cananuug, oo Golaha horgeeyay heshiiska, si loo maro hannaanka dastuuriga ah ee ansixinta heshiisyada dalka.
Intii uu socday kulanka, Golaha Shacabka ayaa Akhrinta Koowaad marsiiyay Axdiga Dhismaha Kooxda Istiraatiijiyada Macdanta Afrika iyo Iskaashiga Horumarinta Macdanta Muhiimka ah. Heshiiskani wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka Afrika ee dhinaca macdanta, iyadoo la horumarinayo iskaashiga farsamo iyo aqooneed, lana kobcinayo fursadaha maalgashi ee waaxda macdanta.
Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ayaa muhiimad gaar ah siinaysa horumarinta iskaashiga caalamiga ah iyo kan Afrika ee dhinaca khayraadka dabiiciga ah, iyadoo la raacayo shuruucda dalka iyo danta qaranka. Wasaaraddu waxay sidoo kale sii waddaa dadaallada lagu xoojinayo hannaan sharciyeed iyo hay’adeed oo horseeda maamul hufan, maalgashi masuuliyad leh iyo ka faa’iidaysi waara oo khayraadka macdanta Soomaaliya ah.
Wada-shaqeynta Wasaaradda iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa muhiim u ah horumarinta shuruucda iyo heshiisyada saldhigga u ah kobcinta waaxda macdanta iyo maaraynta khayraadka dabiiciga ah ee dalka.





