Wasaaradda caafimaadka XFS oo gaadiid ku wareejisay Koonfur Galbeed + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Maryama Maxamed Xuseen ayaa labo Gaari oo nooca gargaarka deg degga ah (Ambulance) islamarkaana loogu talagaley fududeynta adeegga Caafimaadka ku wareejisey Wasiirka Caafimaadka Dowlad goboleed Koonfurgalbeed.

 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa sheegtay in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan Caafimaadka dowlad goboleedka Koonfurgalbeed, iyadoona sidoo kale tilmaamtey in Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay xilli kasta horumarinta Caafimaadka guud dalkeen.

Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleed Koonfurgalbeed Dr. Maxamed Cismaan Xaaji ayaa ka mahadceliyey Gaadiidka lagu wareejiyey, waxa uuna tilmaamey in loogu adeegi doono bulshada dowlad goboleed Koonfur-galbeed si loo xaqiijiyo bedqabka bulshada iyo guud ahaan yoolka Qaranka ee Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka ee Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here