Dowladda Soomaaliya oo soo saartay warbixin ka kooban 36 qodob

0

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Khamiis, 22 February, 2024

1. Golaha Wasiirrada iyo Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay heshiiska taariikhiga ah ee difaaca iyo dhaqaalaha ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashey Jamhuuriyadda Turkiga.

2. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ayaa sheegay in heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ka dhexeeya ee ay ansixiyeen goleyaasha qaranka uu muhiim u yahay difaaca badda iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

3. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga dhexmarey aanu ahayn mid lagu colaadinayo dalalka deriska, balse uu yahay mid u adeegaya danaha amniga ee Soomaaliya.

4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah u saxiixay Heshiiska Difaaca iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga.

5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley Shir Madaxeedkii 37-aad ee Midowga Afrika, isagoo sidoo kale halkaasi wadahadalo miradhal ah kula yeeshay madax iyo diblomaasiyiin kale.

6. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayey arday ku guuleysatey deeq waxbarasho ee shahaaddada PhD oo ay jirto culuunta badda ayaa kula dardaarmey ardeydaasi inay ka faa’ideysaan fursaddan qaaliga ah ee furaha u noqon karta inaan kheyraadkeena badda si wanaagsan uga faa’ideysano.

7. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhambaal qoraal ah oo khaas ah ka helay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta.

8. Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo soo gabagabeeyay doodad cutubka 1aad ee Dib u Eegista Dastuurka.

9. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa daahfuray barnaamij lagu tayeynayo xuquuqda shaqaalaha iyo goobaha shaqada.

10. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Golaha Wasiirrada uga mahad celiyay ansixinta heshiiska taariikhiga ah ee difaaca iyo dhaqaalaha ee dhexmarey Soomaaliya iyo Turkiga.

11. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulamo muhiim ah la qaatey guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

12. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa warbixino la xiiriira horumarka iyo shaqada adeegga iyo maamulka hawada Soomaaliya la dhegeystay Wasaaradda Gaadiidka iyo weliba Hay’adda Duulista Hawada Dalka.

13. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay in heshiiska taariikhiga ah ee dhexmarey Soomaaliya iyo Turkiga uu xoojinayo dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto difaaca iyo dhowrista madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

14. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falkii ay ku kacdey Dowladda Ethiopia oo dooneysay inay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ka hor istaagaan ka qeybgalka Shir Madaxeedkii 37-aad ee Midowga Afrika ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa.

15. War Murtiyeedka ka soo baxay Shir Madaxeedkii 37-aad ee Midowga Afrika oo si adag looga hadley muhimadda dhowrista madaxbanaanida waddamada Afrika, iyo damaca guracan ee Ethiopia ay ku dooneyso inay ku xadgudubto qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

16. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay in xadgudubka Ethiopia ee badaha Soomaaliya uu noqon karo mid sii dhiirigelin kara argagixisada ka jirta gobolka ee khatarta ku ah nabadda caalamka.

17. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan oo khudbad ka jeediyay kulan uu Golaha Ammaanka kaga hadlayey xaaladda Soomaaliya, ayaa sheegay in Ethiopia ay weli gobolka ka waddo xadgudubyo iyo falal khatar gelin kara amniga.

18. Midowga Afrika oo isku raacay in Soomaaliya ay noqoto musharaxa keliya ee bariga Afrika u tartamaya mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

19. Soomaaliya iyo Uganda ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday dhameystirka heshiis is afagarad oo dhanka iskaashiga difaaca la xiriira.

20. Hay’adda Duulista Hawada ayaa maamulka Hargeysa ee gobolllada waqooyi ku eedeysay inuu ku kacayo falal lagu carqaladeynayo maamulka hawada.

21. Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Abdulqaadir ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso in sannadka 2025 ay tirade macalimiinta kordhiso kana dhigto 10,000 oo macallin.

21- Wasiirrada Maaliyadda ee heer federaal iyo dowlad goboleed ayaa shir ku saabsan federaaleynta arrimaha dhaqaalaha ku yeeshay Muqdisho.

22- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa ka qeybgaley kulan dadweyne oo looga hadlayey dhameystirka dastuurka.

23- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Muqdisho ku qaabilay ganacsato u dhashey Kuwait oo doonaya inay maalgashtaan Soomaaliya.

24- Wasaaradda Arrimaha Diinta ayaa Muqdisho ku qabatey kulan looga hadlayey la dagaalanka fikirka xagjirka ah.

25- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Cabdullaahi Bin Mutlaq, iyagoo ka wadahadley xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

26- Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha DIbedda Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Midowgaa Afrika AFCTFA.

27- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgaley shirka 131-aad ee Wasiirrada Maaliyadda ee waddamada Carabta.

28- Shirka wadatashiga wasaaradaha shaqada ee heer federaal iyo dowlad goboleed ayaa lagu soo gabagabeeyay Muqdisho, waxaana looga hadley horumarinta waxbarashada farsamada gacanta iyo tababarada xirfadaha shaqada.

29- Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa booqday qaar ka mid ah kuliyadaha tababarka ciidamada ee Qatar , halkaas oo ay tababaro uga socdaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

30- Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshay Taliyaha Ciidamada Qatar General Salem Bin Hamad Al Aqeel.

31- Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ayaa dilay 7 argagixiso oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab, kadib hawlgal milateri oo ka dhacay degmada Kurtun Waarey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

32- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaaya shacabka ayaa weerar ku burburiyay saldhig ay Khawaarijta Al Shabab ku lahaayeen degaanka Cali Yabaal ee degmada Ceel Dheer.

33- Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka ayaa gacanta ku soo dhigay horjooge Saciid Cali Gacamey oo dhibaato ku hayey shacabka ku nool degmooyinka Ceel Dheer iyo Galcad ee bartamaha Soomaaliya.

34- Qaramada Midoobay ayaa bodaadisay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dowlad dhiska.

35- Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay lix qof oo wax laga weydiinayo dilka sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Duulista Rayidka oo magaciisa la yiraahdo Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan.

36- Ciidanka ammaanka ayaa fashiliya boorso lagu soo qariyay waxyaabaha qarxa oo la doonayey in lagu waxyeeleeyo shacabka magaalada Muqdisho,

==============DHAMMAAD==============

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here