Muqdisho – Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo dhaqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowladda, iyadoo lagu saleynayo barnaamij-hawleed, oo ah hab miisaaniyadeed kharashka u kala saaraya noocyada adeegyada iyo ujeeddooyinka ama natiijooyinka. Tani waxay qayb ka tahay dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Tababarkan oo ay bixinayeen khubaro ka socday Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka socday hay’adaha kala duwan ee dowladda, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray habka cusub ee qorsheynta iyo diyaarinta miisaaniyadda oo diiradda saaraya barnaamijyada iyo hawlaha dowladda ay qabato.
Sidoo kale, waxaa laga guurayaa nidaamkii hore ee miisaaniyadda madax-xigeennada, kaas oo kharashaadka u kala saari jiray noocyada wax-soo-iibinta agabka iyo adeegyada lagu fulinayo hawlaha sannadlaha ah, sida mushaharka, alaabta la iibsaday, raasamaalka iyo wixii la mid ah, kaas oo Dowladda Soomaaliya ay adeegsanaysay muddo ku dhow 15 sano.
Tababarkan ayaa waxaa si rasmi ah u soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Dr. Suleiman Sheikh Umar, oo uu wehliyo Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda, Axmed Cabdi Aadan (Iraad).




