Wasaaradda Maaliyadda oo Soo Xirtay Shirka Wadatashiga Miisaaniyadda 2027

0

Muqdisho – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray shirka sannadlaha ah ee wadatashiga miisaaniyadda dowladda, kaas oo diiradda lagu saarayay diyaarinta Miisaaniyadda Dowladda ee sannadka 2027.

 

Kulanka oo socday muddo laba maalmood ah ayaa lagu soo bandhigay qaab-dhismeedka Miisaaniyadda Dowladda ee 2027-ka, iyadoo la tixgelinayay talooyinka iyo aragtiyada ay soo jeediyeen ka qaybgalayaasha shirka oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirka ayaa qeyb ka ahaa wadatashiyada lagu diyaarinayo Miisaaniyadda Dowladda ee 2027-ka, iyadoo la eegayay talooyinka bulshada iyo mudnaanta la xiriirta qorshaha miisaaniyadeed ee sannadka soo socda.May be an image of one or more people, dais, newsroom and textMay be an image of one or more people, dais, newsroom and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here