Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’adda Hayaan Heritage oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo dhaqanka Soomaaliyeed

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta goobjoog ka ahaa munaasabad ay Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda iyo Hay’adda Hayaan Heritage ku kala saxiixdeen heshiis wada-shaqeyn ah oo ku saabsan horumarinta, ilaalinta iyo kobcinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

 

Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga labada dhinac, si loo horumariyo arrimaha dhaqanka, loo ilaaliyo dhaxalka taariikheed ee dalka, loona hirgeliyo barnaamijyo kor u qaadaya aqoonta, wacyiga iyo aqoonsiga bulshada ee ku aaddan hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Waaxda Dhaqanka iyo Cilmi-baarista ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Aadan Cabdiqani Cawaale, ayaa heshiiska u saxiixay dhanka Wasaaradda, halka Agaasimaha Hay’adda Hayaan Heritage, Mudane Cabdiwahaab Axmed Cali, uu u saxiixay dhanka Hay’adda.

Heshiiska ayaa diiradda saaraya dhowrista iyo kobcinta dhaqanka Soomaaliyeed, ilaalinta taariikhda iyo dhaxalka qaranka, iyo hirgelinta qorshayaal wax ku ool ah oo bulshada, gaar ahaan jiilalka soo koraya, ku dhiirrigelinaya barashada iyo qiimeynta dhaqankooda.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa wada-shaqeyntan ku tilmaantay qayb ka mid ah dadaallada ay ku xoojinayso xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya hay’adaha waddaniga ah iyo bah-wadaagta kale, si la isugu geeyo khibradaha, aqoonta iyo awoodaha kala duwan ee lagu horumarin karo dhaqanka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay sidoo kale muhiimad gaar ah siinaysaa iskaashiga hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyadoo ujeeddadu tahay in la helo barnaamijyo waara oo gacan ka geysta ilaalinta dhaxalka dhaqameed ee dalka, loona gudbiyo jiilalka mustaqbalka.

Heshiiskan ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay Wasaaradda Warfaafinta iyo Hay’adda Hayaan Heritage inay si wadajir ah uga shaqeeyaan ilaalinta, horumarinta iyo kobcinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.May be an image of one or more people and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here