MUQDISHO – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhaweysay go’aanka dowladda Mareykanka ee ah in sanad kale loo cusbooneysiiyo maalgelinta Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), taas oo muhiim u ah sii socoshada howlgalada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in go’aanka Washington uu dib u xaqiijinayo iskaashiga amni ee labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerada ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee dalka ka howlgala.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si weyn u qadarinayso doorka Mareykanka oo ay ku tilmaantay saaxiib muhiim ah oo garab weyn ka geysta dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab. Waxay sidoo kale xustay in taageerada Mareykanka ay xoojisay hay’adaha amniga dalka, isla markaana ay gacan ka geysatay ilaalinta guulihii laga gaaray howlgallada militari.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa war-saxaafadeedkeeda ku xustay in afartii sano ee lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen in ka badan 20 saldhig oo ku yaalla jiidaha hore ee dagaalka, kuwaas oo markii hore ay ku sugnaayeen ciidamada Midowga Afrika.
Arrintan ayay dowladda ku tilmaantay mid muujinaysa kobaca awoodda ciidamada qaranka iyo horumarka laga sameeyay qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo tirada ciidamada AUSSOM ay hoos uga dhacday qiyaastii 21,000 oo askari, una soo degatay ku dhowaad kala bar tiradaas.
Go’aanka Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli Washington ay horay u shaacisay qorshe lagu joojinayo maalgelinta UNSOS, isla markaana la qorsheeyay in xafiiskaasi gebi ahaanba la xiro dhammaadka sanadka 2027, arrintaas oo walaac ka dhalisay mustaqbalka taageerada saadka ee ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday saaxiibada caalamka inay sii wadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada, iyadoo sheegtay inay ka go’an tahay in mustaqbalka dhow ay ciidamada Soomaaliyeed si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.
Soomaaliya ayaa sidoo kale adkeysay inay sii xoojinayso wada-shaqeynta Mareykanka, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada gobolka si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta.




