Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo qaabilay wafdi ka socda dalka Finland + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa kulan la qaatay Eero Koskenniemi oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Finland.

 

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Finland, gaar ahaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha labada dal iyo sida loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada Wasaaradood. Sidoo kale kulanka waxaa qayb ka ahayd Marwo Tuula Svinhufud oo ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland iyo Xubno kale oo ka socday Safaaradda Finland ay ku leedahay Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa ugu mahadceliyay Dowladda Finland taagerada joogtada oo ay la garab taaganyihiin guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda ay ka taageeraan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS. Wasiir Fiqi ayaa hoosta ka xarriiqay Ahmiyadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada ee muddada soo jiray.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here