Wasiir Been Beene oo qaabila wafdi ka socday dalka Qatar + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beenebeene) oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, iyo Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Shire, ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda maalgashato ka socday dalka Qatar oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mashaariicda suurtagalka ah ee waxtarka u leh labada dhinac, iyo sidii la isaga kaashan lahaa daboolidda baahida loo qabo mashaariic maalgashi oo xagga guryaha, tamarta, iyo kaabayaasha dhaqalaaha dalka.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Dhaqalaaha Qaranka, iyo Saraakiil sare  oo ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here