MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Gaarka ee Dowladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya, Marwo Heidi Elburgi Johansen.
Cabdisaciid iyo Marwo Heidi Elburgi Johansen ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhexeeya labada dal.
Sidoo kale kulanka ayaa diirradda lagu saaray sare u qaadidda iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Soomaaliya iyo Norwey ee dhinacyada amniga iyo xallinta khilaafaadka,.
Ugu dambeyn wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda Norway taageerada ay u fidiso dowladda & shacabka Soomaaliyeed.
Halkan hoose ka daawo sawirrada:-




![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)

