Wasiir Cabdisaciid oo la kulmay wakiilka Norway u qaabilsan Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Gaarka ee Dowladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya, Marwo Heidi Elburgi Johansen.

Cabdisaciid iyo Marwo Heidi Elburgi Johansen ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhexeeya labada dal.

Sidoo kale kulanka ayaa diirradda lagu saaray sare u qaadidda iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Soomaaliya iyo Norwey ee dhinacyada amniga iyo xallinta khilaafaadka,.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda Norway taageerada ay u fidiso dowladda & shacabka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here