Wasiir Cali Balcad oo hortegay guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Aqalka Sare

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Aqalka Sare isaga oo gudanaya Waajibkiisa shaqo, wuxuu xafiiskooda kulan kula qaateen Wasiir dowlaha ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda XFS Mudane Cali Cumar (Balcad) iyo xubno kale oo la socday.

 

Guddiga ayaa Wasiirka wax ka waydiiyay heshiisyadii dowladda Soomaaliya ay la gashay Dowladda Itoobiya iyo halka ay marayaan miradhalka go’aannadii dowladda ee ka dhiidhinta xadgudubka Itoobiya.

Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Aqalka Sare ayaa Wasiir dowlaha ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda XFS Mudane Cali Cumar (Balcad) waxa ay waydiiyeen su’aalo ku saabsan heshiisyo amni oo si hoose loola soo galay dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.

Kulankan ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiskii badda ee Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay si weyn uga carootay dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here